Daawo Sawiro: Xaggee buu marayaa dhismaha Masaajidka Jaamaca ah ee Abuu-Bakar As-Sadiiq ee Magaalada BurSaalax

Naftaada ka Qaad oo Naftaada u Qaad – Walalayaal,

 

Sida aad ogtihiinba ALLAAH SWT waxaa inoo abuurtay (Innaga iyo Jinkaba) in aynu caabudno oo kali ah. Haddaba waxaa habboon in aynu danteenna garano oo aynu ka faa’iidaysano fursada caafimaadka, dhallinyaranimada, hantida, nolosha iyo guud ahaanba nimcooyinka faraha badan oo Eebbe Wayne noogu deeqay.

Waxaa dhawaan la bilaabay dhismaha Masaajidka Jaamaca ah ee Abuu-Bakar As-Sadiiq ee Magaalada Bur Saalax. Qiimayntii Engineeradu ku sameeyeena waxa ay noqotay in Masaajidku uu ku kacaayo lacag dhan USD230,000. Runtiina, wax lacag ama dhaqaale ah oo meel u yaallana Masaajidkana ma jiraan.

 

 Naftaada ka Qaad oo Naftaada u Qaad – Walalayaal,

Qofkii wax ku darsada, Guri ayaa ALLAAH SWT u ballan qaaday in jannada looga dhisaayo.

 

 Waxii aynu la baxnana, waa kayd Aakhiro inoo yaalla ee nafta ha loo sheego.

 

Qofkii Masaajidka wax ku sadaqaysanaya fadlan la xiriir;

Bursaalax Hawshaa waxaa ka wada:

1-    Shiikh Muuse Yuusuf Xaaji oo Hormood ka ah hawsha

2-    Shiikh Axmed Aw-Khalaf (Rafle)

Boosaaso na waxaa u xilsaaran, Xasan Yaasiin Sugulle iyo rag kale, Dhammaantood ALLAAH ha barakeeyo e oo ha xafido e – Aamiin – IA.

 

Qofkii wax la baxaayow oo ku sadaqaysanaya allah hortiis rabana in uu ka qaybqaato dhismaha Masaajidkaas, fadlan, waxaad ku aadisaa cinwaanadaan hoose:

 

1) Shiikh Muuse Yuusuf Xaaji, Tel. No. +25290-7799913 – Bur Saalax.

 

2) Xasan Yaasiin Sugulle, Tel. No. +25290-7796988 – Boosaaso.

 

Halkan ka daawo sawida meesha uu dhismaha Masaajidka marayo
SAM_2987 25

SAM_2957 25

SAM_2958 25

SAM_2959 25

SAM_2968 25

SAM_2969 25

SAM_2971 25

SAM_2976 25

SAM_2978 25

SAM_2980 25

SAM_2986 25

SAM_2987 25

Puntlandes.com

 

About The Author