Dhibaatada ay kuu geysan karto dhuxusha oo aad kulaasho xilliga qaboobaha

Dhuxul

Xilli uu qabow badan ka jiro meelo badan oo caalamka ka mid ah , ayaa khubarada dhinaca caafimaadka ee dalka Nigeria waxay uga digay shacabka in ay ka fogaadaan in ay kulaaxaan dhuxusha dabka, oo ay sheegeen in dhibaato dhanka caafimaadka ah ay leedahay.

Khubaradan ayaa sheegay in dhuxusha oo la kulaaxo si diirimaad looga raadiyo ay sababto qaar ka mid ah xanuunada saameeya neefmareenka, isla markaana waxyeelo u geysta maqaarka jirka bini’aadamka.

Digniintan ka soo baxday Dhakhaatiirtan ayaa ku soo aadaysa xilli ay jireen lamaane la sheegay in ay naftooda ku waayeen dab ay kuleyl ka raadinayeen oo ay qolkooda soo gashadeen deegaanka Dawakin Tofa ee magaalada Kano. Inta lagu jiro xilliga qabowga daran, dhuxusha ayay dadka gashadaan guryaha si ay u kulaalaan.

Balse, khubaradu waxay sheegeen in dab lagu shido qolka ay aad khatar u tahay caafimaad ahaan iyo badqabka qofkaba

Sida ay sheegtay Dr. Hadiza Ashiru oo ah dhaqtarad ku takhasusay cudurrada carruurta oo ku sugan dalka Nigeria in dhuxusha oo la kulaalo ay qofka u horseedi karto cudurro.

“Waxa ugu horreeya ee ay sababayso waa in uu dab kaco, kaas oo sababa khasaare hantiyeed oo mararka qaar uu gaaro heer nafeed,” ayay tiri Dr. Hadiza Ashiru.

“Waxay ku keentaa dhibaato xagga neefsashada ah, waxay gubtaa marinnada neef-mareenka, waxayna aad u dhibaateysaa dadka qaba xanuunnada neef-mareenka sida neefta,” ayay tiri.

Laakiin waxay sheegtay in daaqadaha qolka la furo lana dhexdhigo dhuxusha si ay qolka u diiriso ka hor intaanay dadka guriga sexanaya soo galin.

Waxay ay bulshada ka codsatay in badalkii ay duxusha shidi lahaayeen ay qaataan dharka dhaxanta sida bustooyiinka xilliga uu qabowga daran jiro.

sambabka

Dhaqaatiirta ayaa sheegay in xanuunnada laga qaado dhuxusha oo la kulaalo ay ka mid tahay neefta ama Asthma.

Asthma waa xaalad guud oo asiibta quumanka – tubooyinka yaryar ee neefta ka soo qaada isla markaana u gudbiya sambabbada.

Waa xaalad sababta inay adkaadaan murqaha ku hareereysan neefmareenka iyo barar iyo cuncun ku yimaada neefmareenka.

Tan ayaa sababi karta qufac, hindhiso, xabad xanuun iyo neefta oo ku dhibta.