Mareykanka oo beeniyay inuu taageeray joogitaanka ciidamada ATMIS

0
Somalia and United States flags together textile cloth, fabric texture

MUQDISHO (SMN) – Dowladda Mareykanka ayaa beenisay wararka sheegaya inay taageertay sii joogitaanka Ciidamada ATMIS, oo la filayo inay dalka Soomaaliya isaga baxaan ugu dambeyn bisha Dec 2024.

 

Mareykanka ayaa shaaciyay inuu sii wadi doono taageerada ciidamada  Soomaaliya si loo xasiliyo dalka, xilli ciidamada Midowga Afrika ay si tartiib tartiib ah dalka uga baxayaan, islamarkaana la wareegayaan mas’uuliyada amniga qaranka.

Shane Dixon oo ah ku simaha safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay ku dadaali doonto sidii ay dowladda Soomaaliya uga caawin lahayd sidi loo dhisi lahaa ciidan awood leh oo Al-Shabaab oo buuxin kara goobaha ay baneynayaan kuwa ATMIS.

Isagoo ka hadlayay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo heer gabo gabo ah maraya wajigii koowaad, Dixon ayaa ku celiyay in dowladdiisa Mareykanka ay garab taagan tahay ciidamada xoogga dalka, oo ka taagerayso howlgallada dhanka cirka.

Hadalka Mareykanka ayaa imaanaya xili 19kii bishan dowladda Soomaaliya ay u gudbisay dalab gollaha amaanka ee QM oo ku saabsan in 3 bilood dib loo dhigo bixitaanka ciidanka ATMIS, taasoo la sheegay in Midowga Afrika uu diiday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here