Maxaa sababay ololaha ka dhanka ah Biden ee ay wadaan Muslimiinta iyo Soomaalida Mareykanka?

ololaha ka dhanka ah Madaxweyne Baden

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Joe Biden.

Hoggaamiyeyaasha Muslimiinta Maraykanka oo ka kala socda lix gobol ayaa wacad ku maray inay abaabuli doonaan bulshooyinka Islaamka si ay uga soo horjeensadaan dib u doorashada madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

Waxaa ay sheegeen in go'aankan ay qaateen kadib markii ay arkeen in Joe Biden uu taageero u fidinayo dagaalka Israa’iil kadib dagaalka ay ku qaadday Marinka Qasa .

Hoggaamiyeyaasha Muslimiinta Maraykanka sidoo kale ma aysan shaacin musharrax ay codkooda siin doonaan doorashada soo socota ee dalkaasi ee 2024-ka.

Gobollada ugu xooggan ee bulshda Muslimiinta ay ka wadaan abaabulka ka dhanka ah Madaxweyne Biden waxaa ka mid ah kuwii u horseeday inuu ku guuleeysto doorashadiisii hore.

Mucaaradnimada ka imaanaysa bulshooyinkooda Muslimka ah iyo kuwa Carabta Maraykanka ah ayaa caqabad ku noqon kara waddada dib u doorashada madaxweynaha Mareykanka doorashada sanadka soo socda.

Jaylaani Xuseen oo ah Guddoomiyaha Golaha Xiriirka Maraykanka iyo Islaamka ee Minnesota (CAIR), ayaa ku sheegay shir jaraa'id oo uu ku qabtay Michigan, mar wax laga weydiiyay go'aanka ay ka qaateen ayuu ku sheegay inay “haystan qorshayaal badan oo miiska u saaran si uusan dib ugu guuleeysan Joe Biden.

"Ma taageereyno Madaxweynihii hore Donald Trump," ayuu yiri, isaga oo intaa ku daray in bulshada Muslimiinta ay go'aan ka gaari doonaan musharraxa ay dhisi dooonaan doorashada soo socota .

Ololaha loogu magacdaray #AbandonBiden- ama katag Baden) ayaa billowday markii Muslimiinta Mareykanka ee Minnesota ay dalbadeen Madaxweyne Biden inuu ku baaqo xabbad-joojin, balse ololaha ayaa ku fiday gobollada Michigan, Arizona, Wisconsin, Pennsylvania iyo Florida.

Dad ku baaqay in la joojiyo dagaalka Israa'iil ay ka wado qasa

Xigashada Sawirka, REUTERS

Qoraalka sawirka, Dad ku baaqay in la joojiyo dagaalka Israa'iil ay ka waddo Qasa

Dowladda Maraykanka ayaa diidday in Israa’iil ay cadaadis ku saarto in ay joojiso dagaalka ay ka waddo Marinka Qasa, iyadoo Madaxwyne Biden iyo ku xigeenkiisa Kamala Harris ay ku celceliyeen in Israa’iil ay xaq u leedahay inay is difaacdo.

Mar wax laga waydiiyya xafiska Biden ololah ka dhanka ah dib u doorashadiisa ee bulshada Muslimiinta ah ay bilaabeen kama uusan jawaabin .

Muslimiinta Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in aysan fileyn in Trump uu si wanaagsan ula dhaqmi doono bulshadooda haddii dib loo doorto balse ay u arkaan diidmada Biden mid siinaysa awood muuqata oo kaalin ay kaga qaadan karaan siyaasadda Mareykanka.

Ra'yi ururin dhowaan la sameeyay ayaa muujisay taageerada Biden ee Muslimiinta iyo Carabta Ameerikaanka 17% marka la fiiriyo doorashadii hore ee uu ku guuleystay .

Waxaa jir gobollo si weyn loogu xisaabtamo codadka bulshada Muslimiinta ah waxaana ka mid ah Michigan oo doorashiidii hore dhibco fiican Biden kaga guuleystay ,waxan halkasi jaaliyadda Carabtu ka tahay 5% boqolkiiba codadka laga filayo.

Gobolka Wisconsin waxaa daggan ku dhawaad 25,000 codbixiyeyaal Muslimiin ah, waxaana doorashadii hore uu Biden ku guuleystay ku dhawaad 20,000 oo cod sida uu sheegay dhakhtar matalaya bulshada Muslimiinta ah ee gobolka.

"Waan beddeli doonnaa codka aan markii hore siinnay Joe Biden” ayuu hadalkiisa sii raaciyay

Gobolka Arizona, oo uu Biden ka helay ku dhawaad 10,500 oo cod, waxaa ku jira in ka badan 25,000 oo codbixiyeyaal Muslimiin ah sida ay shaacisay Xarunta Siyaasadda Socdaalka Mareykanka ee Jaamacadda California San Diego.

Tan iyo markii uu biloowday dagaalka Israa’iil iyo Xamaas bulshada Muslimiinta ee ku sugan Mareykanka ayaa waday qorshah ay kaga soo horjeedaan dagaalka ka dhan ah israa’iil oo ay ku dhinteen dad ka badan 10 kun oo qof reer Falastiin ah .