Biden: Xiriirka Afrika iyo Mareykanka waa uu soo laabtay

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden wuxuu balan qaaday inuu dib u dhisi doono wadashaqeyntii dalkiisa uu la lahaa Midowga Afrika (AU) daqiiqado kadib markii uu jeediyay khudbadiisii ugu horeysay ee siyaasada arimaha dibada tan iyo markii uu qabtay xafiiska.

Madaxweynihii isaga kahoreeyay, Donald Trump, ayaa waxa uu dhaliyay khilaaf sanadii 2018 ka dib markii la sheegay inuu adeegsaday erayga "shit hole" oo ah eray cunsuri ah oo uu ku tilmaamay dalalka Afrika.

Mr Trump ayaa markii dambe beeniyay inuu cunsuri yahay.

Malinkii Jimcaha ayay ahayd markii barta Twitter-ka ee aqalka cad lasoo dhigay Muqaal uu Madaxweyne Biden uu u jeediyay guddiga qaaradda ka hor shir madaxeedka 34aad ee Midoowga Afrika. Waxaa uuna yiri

''Maamulkeyga waxaa ka go'an inuu dib u dhiso iskaashiga adduunka oo dhan iyo inuu dib ula macaamilo hay'adaha caalamiga ah sida Midowga Afrika''.

Madaxweyne Joe Biden ayaa sidookale sheegay in sanadka dambe uu ka soo qayb geli doono shir Madaxeedka Midoowga Afrika.

''Waa inaan ka hor tagnaa caqabadaha halista ah ee na soo food saaray. Taas waxaa ka mid ah maal-gelin dheeraad ah oo lagu sameeyo caafimaadka adduunka, in aan ka hortagno oo aan ka adkaano cudurka safmarka ee 'Covid-19' iyo sidii aan u ogaan lahayn islamarkaana ka jawaabno dhibaatooyinka caafimaad ee mustaqbalka, iyo in iskaashi la sameeyno xaruunta ka hortagga cuduradda ee Afrika iyo hay'adaha kale si loo horumariyo amniga caafimaadka''.

Wuxuu sheegay inuu la shaqeyn doono dadka Afrikaanka ah si loo xoojiyo dimuqraadiyadda, iskuna dayo in khilaafaadka lagu dhammeeyo si diblomaasiyadeed iyo kor u qaadista xuquuqda dadka laga tirada badan yahay, kuwaas oo si joogto ah loogu dhibaateeyo Afrika.

Madaxweyne Biden ayaa sheegay in arrimahan uu ka hadlay midkoodna aysan noqon doonin wax fudud, laakiin wuxuu sheegay in Mareykanku uu diyaar u yahay inay Afrika wax wada qabsadaan.

Maamulka Biden ayaa u muuqdo mid ahmiyad gaar siini doono qaarada Afrika iyadoo xiriirka Maraykanka iyo Afrika uu ahaa mid aan cago adag ku taagnayn afartii sano ee la soo dhafay ee Donald Trump uu xilka haayay.